Dhabad (dayniiile.com)-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Saaka  howlgal ka dhan ah Kooxda Alshabaab waxay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud.

Lix ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay howlgalkaan oo ka dhacay Saaka aroortii  Deegaanka Ceel Xasan Cali oo u dhaw deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud sida ay sheegtay warbaahin ku hadasha Afka Ciidamada Dowladda Somalia.

Advertisement

Sidoo kale Ciidamada ayaa sheegay inay hub ka soo furteen kooxda Al-shabaab intii uu socday howlgalka ama dagaalka qorsheysan ee lagu qaaday kooxdaasi Ashabaabka ka tirsanaa.

Guud ahaan deegaanka  Ceel Xasan Cali ayaa laga saaray kooxda Alshabaab waxaana si buuxda ula wareegay ciidamada Dowlada Iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya.

Ciidamada ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay dib u bilaabeen dagaaladii ka dhanka ah Alshabaab markii ay yara u hakadeen laba arin dartod, roobabka iyo ka soo tagitaankii Galmudug ee Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka ka hagayay Magaalada Dhuusa-mareeb.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga dhex dhexaadiyada iyaga iyo Mucaaradka
Next articleMaxaa looga hadlay kulanka Madaxweynaha iyo Bulshada rayidka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here