Waxaa saaka dagaal culus uu ka dhacay deegaanada Ceel-Saliini iyo Buushka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ciidamada isku dhafka ah ee Nabad-Sugidda Qaranka, kuwa deegaanka Lambar Konton, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fuliyeen howlgal qorsheysan.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii la helay xog sirdoon oo lagu ogaaday in kooxaha Khawaarijta ay isku aruursanayeen deegaanadaasi, si ay uga fuliyaan falal argagixiso ah oo ka dhan ah shacabka iyo ciidamada amniga.
Ciidamadu waxay si degdeg ah uga falceliyeen xogta, iyaga oo qaaday weerar toos ah oo lagu bartilmaameedsaday goobihii ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen. Dagaal adag ayaa halkaasi ka dhacay, waxaana ciidamadu si buuxda ula wareegeen goobihii ay Khawaarijtu ka joogeen Ceel-Saliini iyo Buushka.
Guddoomiyaha Maamulka Degmada Lambar Konton, Mudane Maxamed Maxamuud, oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkaas, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu guulo muhiim ah ka gaareen, islamarkaana ay burburiyeen fariisimo muhiim ah oo ay Khawaarijtu ku lahaayeen halkaasi.













