Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland (JISA), Ciidanka Gaarka ah ee Danab (Danab Special Forces) iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgallo qorshaysan oo burburin ah ka fuliyay deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.
Howlgalladan ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaanada Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay, iyo Maleyley, halkaas oo lagu burburiyay godad iyo meelo kale oo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxaha Khawaariijta ah.
Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la xaqiijiyay in 18 xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta lagu dilay halka 32 kale lagu dhaawacay intii ay socdeen howlgaladan oo cirka iyo dhulka isugu jiray.
Ciidamada Dowladda Jubaland qeybahooda kala duwan iyo CXD waxaa ka go’an dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, si loo sugo amniga, xasiloonida, iyo nolol nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay ku naaloodaan.














