Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa Howlgal sifeyn ah maalintii Labaad ka wada deegaano Ka tirsan Gobolka Hiiraan iyadoo Meydad ay qaadan waayeen Khawaarijta ay yaalaan Waddooyinka.
Deegaannadii shalay jabka iyo duqeynta loogu geystay Khawaarijta ayaa saaka loogu tagay meydad cadowgu ka cararay waxayna ciidanka sii baacsanayaan haraadiga cadowga.
Howlgalka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilow Bacaad oo 8 KM u jira Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta.
Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil xoogga dalka ka tirsan ayaa tagay goobihii cadowga lagu jabiyey waxaana ay ku bogaadiyeen geesiyaasha qaranka beegsiga Khawaarijta.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of 8 peopleMay be an image of 3 people, elephant and rhinocerosMay be an image of 10 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 people and rhinocerosMay be an image of 5 people
Previous articleNISA iyo Ganacsatada maxaa kala heysta?
Next articleWasiirka Difaaca Masar oo ka deyriyay xaalada reer Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here