Gobolka Gedo waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolkaas, saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay ‘AS’ uga qabsan lahaayeen deegaannada ay joogaan.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waa halka xudunta u ah howlgalkaan waxaana gaaray saraakiil katirsan Dowladda Federaalka & maamulka gacanta ku haya ee sheegay in uu ka madaxbannaan  yahay DG Jubbaland.

Advertisement

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo deegaan-doorashadiisu tahay DG Jubbaland ayaa sheegay in howlgallada ka socda Baardheere ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay yahay sidii ‘AS’ looga saari lahaa Gobolka Gedo.

Waxa uu meesha ka saaray shakiga lagu xeendaabay ee ah in dhaqdhaqaaqyada Ciidamu ay yihiin kuwa siyaasadeysan balse waxa uu sheegay in howlgalkaan uu lamid yahay howlgalladii ka dhacay Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle.