BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalo xeebeedka Puntland ee Boosaaso  ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanku howlgalo ay sameeyeeen ay ku soo qab-qateen Itoobiyaan u badan Oromo oo waqtiyadaan danbe soo buux dhaafiyeen Magaaladaasi.
Laamaha amniga Maamulka Puntland ayaa howlgalkooda waxay ka sameeyeen dhamaan goobihii laga helo Itoobiyaanka iyagoona gacanta ku soo dhigay intooda badan.
Maamulka Puntland wuxuu dadkaani  Oromada ah si qasaba isugu geeyeen goob gaara iyadoo la ogeyn  sida laga yeeli doono.
Dadkaani Itoobiyaanka ah ayaa ku soo gala Puntland qaab tahriib ah iyagoona xiliyadii hore xeebaha Boosaaso ka sii geli jirey dhanka Yemen si ay u gaaraan Sacuudiga.
Si kastaba talaabada Ciidamada Puntland qaadeen ayaa ku soo aadeysa xili uu sanadkaani bilowgiisa xumaaday xiriirka labada Dal ee Itoobiya iyo Somalia markii 1-dii Janaayo 2024-ka Ra’iisulwasaare Abiy Axmed heshiis badda ku saabsn uu la galay Muuse Biixi Madaxweynaha Maamulka Somaliland taasoo xad gudub ku ah madax banaanida dhuleed ee Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleXildhibaanada labada aqal oo saaka leh kulan xasaasi ah.
Next articleDAAWO: Xildhibaanada labada Aqal oo dood adag ka yeeshay wax ka badalka dastuurka 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here