HomeWarkiiHowlgal lagu dilay ajaanib Alshabaab ka tirsanaa oo Xalay laga fuliyay...

Howlgal lagu dilay ajaanib Alshabaab ka tirsanaa oo Xalay laga fuliyay Jubada hoose iyo Sh.hoose

Magaalooyin ka kala tirsan Gobolada Jubada Hoose sida Jilib iyo Shabeelaha Hoose sida Yaaqbariweyne  ayaa laga soo warinayaa inay ka dhaceen howlgalo ka dhan ah Kooxda Alshabaab kuwaasoo ay fuliyeen diyaaradaha dagalka ee aan aan duuliyaha lahayn iyo kuwa qumaatiga u kaca.

Howlgalkaan waxaa lagu laayay sarakiil Alshabaab ka tirsan oo isugu jirta ajaanib iyo Soomaali kadib markii lagu bartilmaameedsaday meelo kala duwan xili sirdoonka Somalia uu gacan ka geystay xogta Alshabaabka la laayay.

Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose waxa lagu bartilmaameesaday duqeyn xaga cirka ah gaari ay wateen saraakiil Ajaanib ah waxaana howlgalkaani ku dhintay ilaa 5 sarkaal, sidoo kale Deegaanka Kunya-barrow ee Gobolka Shabelaha hoose ayaa lagu duqeeyay saraakiil kale oo Alshabaab,waxaa si gaar ah loo duqeeyay xarun ay tababar ku bixinayeen Alshabaab ajaamin ah.

Ajaanibta duqeymahaani lagu dilay gaar ahaan xerada tababarka waxaa ka mid ah Anwar Xasan oo u dhashay Dalalka Yemen,Shuraak oo ka soo jeeda Siiriya iyo Muzamil Abu-Xaashi oo u dhashay Dalka Afganistan.

Sidoo kale howlgal ka dhan ah Alshabaab oo ka dhacay sablaale ayaa lagu dilay ku dhawaad 30 Alshababaab ka tisranaa ,waxaana ka mid ahaa raga la dilay Amiirkii ugu sareeyay ee dhanka Ciidamada Alshabaab ugu qaabilsanaa Sablaale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -