KISMAAYO (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa maamulka Jubaland ay maanta iska kaashteen howgal ka dhan ahaa Alshabaab.
Sida Dowlada iyo Jubaland sheegeen howlgalka waxaa lagu dilay ilaa 25 dagaalame oo ka tirsan kooxda Alshabaab kadib markii la sku fara saaray deegaan ku dhaw Buulo-Xaaji oo xoogaa u jirta Kismaayo.
Howlgalka oo ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubaland u adeegsadeen gaadiid dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu u dhacay sidii Diowlada iyo Jubaland ugu talo galeen.
Inkastoo Dowladu soo bandhigin wax cadeyma ah hadana dhanka Alshabaab iyaga laftooda wali wax wara kama soo saarin warka sheegaya in 25 dagaalame laga dilay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
