Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo culus ka fuliyay deegaanka Xaliimo Cadey, oo hoostagta Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa lagu dilay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, halka ku dhowaad 40 kale lagu dhaawacay, kuwaas oo isugu jiray horjoogayaal sare iyo dagaalyahanno caadi ah.
Xubnaha la dilay waxaa kamid ahaa 7 horjooge sare, oo uu ugu muhiimsanaa Sheekh Axmed Abuu yoonis, oo loo garanayo (Sharxul Xabiib). Ninkan ayaa horey u ahaa Amiirkii Khawaarijta ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana hadda ahaa madaxda jabhadda Khawaarijta ee gobolkaasi.
Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa horey gabaad uga dhigtay duleedka deegaanka Xaliimo Cadey, halkaas oo ay ka abaabuli jireen weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada dowladda.
Ciidanka Danab ayaa howlgalka ku adeegsaday hub culus iyo madaafiic, si ay uga saaraan kooxda Khawaarijta goobta ay isku uruursanayeen, waxaana weerarku noqday dhabar-jab weyn oo ku yimid cadowga Khawaarijta.



