HomeWarkiiHowlgal lagu dilay sarkaal sare oo Alshabaab u qaabilsanaa qaraxyada

Howlgal lagu dilay sarkaal sare oo Alshabaab u qaabilsanaa qaraxyada

Muqdisho, January 01, 2026: Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay labo horjooge oo sare, kuwaas oo kala ah Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo magaciisa afgarashadu ahaa Injineer Ismaaciil, iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex).

Horjooge Injineer Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarreeya, uguna khatarta badan cadowga Khawaarijta, isaga oo ahaa horjoogaha iyo Maskaxda qaybaha Qaraxyada, maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Amniyaadka iyo qeybta marin-habaabinta Al-Kataaib.

Injineer Ismaaciil oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sida gaarka ah loogu doonista badnaa cadowga ayaa madaxiisa waxaa saarnaa lacag dhan 5 milyan oo doollar, wuxuuna door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii Oktoobar iyo qaraxyo kale oo badan oo lagu beegsaday hantida iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, horjooge Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), oo isna ka tirsanaa qaybta marin-habaabinta Khawaarijta, ayaa si gaar ah u qaabilsanaa deegaannada Jubbooyinka.

Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa u dhacay si guul ah, waxaana lagu soo afjaray halistii iyo dhibaatooyinkii ay horjoogeyaashan ku hayeen ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -