War saxaafadeed ka soo baxay dhanka Dowlada Somalia ayaa lagu shaaciyay in weerar ay iska kaashadeen Milatariga Somalia iyo Diyaradaha dagalka ee Mareykanka in lagu weeraray goob ay Alshabaab badan isku urursanayeen oo ku taal xadka labada Gobol ee Jubada dhexe iy Jubada Hoose.

Weerarkaan waxaa lagu dilay 10 ka mid dagaalyahanada Ashabaab ayaa sida lagu cadeeyay warka Dowlada Somalia ka soo baxay.

Hawlgalka ayaa xilli galab ah dhacay, waxaana looga hortagay koox ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku urursanayay xadka u dhexeeya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Dowlad Goboleedka Jubbaland,
“weerarkani waxaa lagu burburiyay qorshihii Khawaarijta halkaasi ku maleegayeen”ayuu lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warkaan waxaa sidoo kale lagu xusay in Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka ay iska ilaaliyeen waxyeelo shacabka soo gaarta kadib markii ay adeegsadeen khidad aad loo qorsheeyay lagana taxadaray .
“waxaan adeegsanay khidad aad loo qorsheeyay lagana taxadaray si loo dhabar jabiyo dhagartii Khawaarijta soo maleegtay, waxaana hawlgalka u fulay si guul ah”ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of text
Previous articleGudiga Maaliyada Labada Aqal oo la xisaabtamay Wasaarada Maaliyada Somalia+SAWIRRO
Next articleMeydka Khadiija Maxamed Diiriye oo Maanta Aas qaran loogu sameynayo Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here