HomeWarkiiHowlgal lagu raad joogay Alshabaabkii soo weeraray Ceeldheer oo lagu qabtay tira...

Howlgal lagu raad joogay Alshabaabkii soo weeraray Ceeldheer oo lagu qabtay tira hor leh

Sida goor dhaw lagu shaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlagallo Qorsheysan ka fuliyay deegaannada hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo wali lagu sii baacsanaayo haraadiga khawaariijtii lagu jebiyay degmadaas.
Howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka Howdka ah ayaa lagu qabtay sedax dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijtii casharka loogu dhigay degmada Ceeldheer, kuwaas oo iyagoo firxad ah u tegay dadka shacabka ah ee ku sugan dhulka miyiga ah.
Taliyaha qeybta koowaad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareerre) oo hoggaaminayay howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Cali Yabaal iyo degmada Ceeldheer, laguna baadi goobayo haraadiga Khawaarijta, ayaa sheegay inay sii wedi doonaan howlgallada ka dhanka ah nabadiidka si shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado dhagartooda.May be an image of 5 people, jeep and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 people, jeep and textMay be an image of 3 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -