Todobo dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa:-

Advertisement

1. Cabdiraxmaan Dheere oo hadda khawaarijta u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe.

2. Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada Khawaarijta ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe.

3. Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka.

Dhagar qabayaasha kale ee howlgalka÷ lagu laayay ayaa ahaa maleeshiyaad ay wateen horjoogayaashaan.

=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=

Previous articleMaamulka Juballand oo shaaciyay in la helay C/rashiid Janan
Next articleKooxda Koonfur-Galbeed oo laga tashtay iyo Ciyaaraha dib loo sii anba qaadaayo berito

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here