HomeWarkiiHowlgal Saraakiil Alshabaab ka tirsan lagu laayay caawa iyo magacyada saraakiisha

Howlgal Saraakiil Alshabaab ka tirsan lagu laayay caawa iyo magacyada saraakiisha

Howlgal Duqyn ah oo Xoog Leh ayaa ka dhacay Gobollada Bay, Shabeellaha Hoose iyo Jubada Dhexe
Howlgallo dukhayn ah oo si xooggan loo qorsheeyay ayaa ka dhacay dhowr deegaan oo ka tirsan Bay, Shabeellaha Hoose iyo Jubada Dhexe, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo saraakiil sare oo AS.
1. Weerarkii koowaad – Shabeellaha Dhexe (Kunya-Barrow)
Howlgalka ugu horreeyay waxa uu ka dhacay degmada Kunya-Barrow, halkaas oo qaraxyo waaweyn lagu dhuftay xarun ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo ASQaraxyadaasi waxay sababeen khasaare culus oo gaaray dagaalyahannadii ku sugnaa goobta.
2. Weerarkii labaad – Degmada Xaramka shabelada hoose
Howlgal kale oo qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Xaramka, halkaas oo lagu dukhay ciidamo ka tirsan kuwa komandooska AS ee tababarka siinayay askar cusub. Khasaaro xoogan ayaa lagu gaarsiiyay kooxdii tababarka waday.
3. Weerarkii saddexaad – Jilib (Xaafadda Waaberi)
Degmada Jilib, gaar ahaan xaafadda Waaberi, waxaa lagu beegsaday guri ay ku kulansanaayeen saraakiil sare oo ka wada hadlayay howlgal laga fulinayo Jubada Hoose. Saraakiisha ugu waaweyn ee halkaas lagu dilay waxaa ka mid ahaa:
• Abu Qaasim
• Lugadhere
• Maxamad Luuq Jelow
• Aadan Gure
4. Weerarkii afaraad – Bulafulay gobolka baay
Howlgal dukhayn oo kale ayaa ka dhacay degmada Bulafulay, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil amni oo sar-sare. Waxaa ku dhintay:
• Amiirka Amniga Gobolka Banaadir, Sheekh Xasan Aabu Naasir (Abu Kamaal)
• Amiirka Amniga AS Sheekh Abdirisaaq Abu Ayuub oo mar dhaw xilka loo magacaabay
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay xubno kale oo muhiim u ahaa kooxda.
WARIYE: CALI AADAN MUUMIN
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -