HomeWarkiiHowlgal tuulooyin looga saaray Alshabaab oo laga uliyay Gobolka Hiiraan

Howlgal tuulooyin looga saaray Alshabaab oo laga uliyay Gobolka Hiiraan

Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia oo kashanaya kuwa deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay Alshabaab ka saareen dhowr tuulo oo hoos taga deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka mid ah kuwa hogaaminayay Howlgalkaan ayaa warbaahinta u sheegay inay si nabad kula wareegeen tuulooyin ay weerar ku qaadeen islamarkaana aysan arkin wax iska caabin ah oo Alshabaab ay sameeyeen,sarkaalka wuxu tllmaamay inay carareen alshabaab markii ay ogaadeen in weerar lagu soo yahay.

“Tuulooyinka Alshabaab aan ka saarnay waxay dadka deegaanka ku hayeen dhibaato iyagoo ka qaadan jirey baad taasina waan soo gabagabeynay” ayuu yiri sarkaalka ka hadlay howlgalkaasi.

Sarkaalka wuxuu intaasi ku daray inay cagta mariyeen intii howlgalka ay ku jireen dhamaan saldhigyadii kooxdu ku lahaayeen deegaanada laga saaray.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -