HomeWarkiiHowlgalka AUSSOM oo la shaaciyay  waqtiga uu Somalia ka bilaabanayo

Howlgalka AUSSOM oo la shaaciyay  waqtiga uu Somalia ka bilaabanayo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu shaaciyay waqtiga uu si rasmi ah u bilaabanayo  howlgalkiisa cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya – AUSSOM  xili uu mudo u xayirnaa dhaqaale la’aan.

Bisha Luulyo ee sanadkaan aan ku jirno ee 2025 ayaa la sheegay inuu bilaabanayo howlgalku inkastoo aan warbixinta lagu darin in dhaqaalihii lagu wadi lahaa loo helay iyo inkale.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in ujeedkiisu yahay sidii Somalia loo gaarsiin lahaa sanadka 2029-ka sidii ay amnigeeda ula wareegi lahayd si buuxda bilaa ciidamo shisheeye.

Sidoo kale Howlgalkaan cusub  wuxuu noqonaya wajiga saddexaad ee dadaallada Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya.

Sidoo horaba heshisku u ahaa howlgalkaani AUSSOM wuxuu kaga duwan yahay kii ATMIS in hogaanka, maamulida iyo amarka ciidamadaba ay yeelan doonto Dowlada Somalia.

Dhanka kale qorashayaasha howlgalkaani waa burburinta awooda Alshabaab, taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya, Jawi nabdoon ku soo dabaalida meel kasta oo laga xoreeyo Alshabaab.

Shirar dhawaan ka dhacay Magaalooyuinka Addis Ababa iyo Kampala ayaa lagu dejiyay khariidadda hawlgalka cusub sida ka qeybqaadashada howlgalkaan marka la eego ciidamada booliiska midowga afrika oo iyagana qeyb ka ah howlgalka waxaana ka mid ah dalalka booliiska ka imaanayaan  Masar, Nigeria, Itoobiya, Jabuuti,Kenya, iyo Uganda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -