Sida lagu soo qorey baraha bulshada African Union Ciidanka Burundi ee AUSSOM ayaa Axaddii tababar dab-rid ah u sameeyay xubno ka tirsan Ciidana Booliska Qaranka Soomaaliyeed, ka dib tababarro dhawaa oo cashar ahaan loo siiyay ciidanka.
Dab-ridka ayaa muujiyay doorka tababareed ee ciidanka Burundi si loo xoojiyo xirfadaha hawlgaleed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, xirfadahaas oo muhiim la dagaallanka argagaxisada iyo ilaalinta bulshooyinka.
Dadaalkan ayaa qeyb ka ah kalaguurka amniga Soomaaliya ee socdo ee Hawlgalka AUSSOM uu mas’uuliyadaha amniga ugu wareejinayo Ciidanka Amngia Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo in ciidanka Soomalaiyeed ay diyaar u noqdaan sugidda xasilloonida dalka oo idil. 


