HomeWarkiiHowlgalka AUSSOM oo war ka soo saaray dagaalkii shalay Alshabaab looga saaray...

Howlgalka AUSSOM oo war ka soo saaray dagaalkii shalay Alshabaab looga saaray Bariire

Howlglka Midowga Afrika ee nabad ilalinta Somalia ee loo yaqaan AUSSOM ayaa war ka soo saaray dagaalkii jimcihii shalay Ashabaab looga saaray deegaanka Bariire kadib dagaal socday mudo asbuuc ah oo ay iska kaashadeen Milateriga Somalia iyo kuwa Midowga Afrika gaar ahaan  Uganda.
Warka soo baxay Midowga Afrika ayaa sidan u qornaa:-
Ciidamo wadajira oo ka tirsan #AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa Hawlgalka “Duufaanta Aammusan” ku xorreeyey magaalada Bariire, iyagoo dilay in ka badan 100 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaasna gacanta ku dhigay rasaas xooggan.
Hawlglalka lagu xorreeyey Bariire ayaa socday muddo labo toddobaad ah.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa ku ammaanay ciidanka AUSSOM sida ay uga garab dagaallameen Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed si loo xasiliyo Shabeellaha Hoose, halka Taliyaha Ciidanka, S/Guud Sam Kavuma uu ku ammaanay ciidanka sida ay u dardargelinayaan Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya.
Bariire oo deegaan istaraatiiji u ahaa argagaxisada haatan waa mid nabdoon, waxaana ka socdo hawlgallo lagu xaqijinayo sidii nabad waarta & xasillooni looga dhalin lahaa Shabeellaha Hoose.Guushan ayaa xigta qabsashadii dhawayd ee Sabiid iyo Caanoole. May be an image of text that says "African Union AUSSOM PRESS STATEMENT Immedlate Release) Forces Mogadishu: Somali Bariire town African Union Armed Stabilization Mission Somalia (SNAF) together successfully their involved significant ground offensive against several days. Shabab militants week-long more than serious militants were neutralized, Special Representative Head AUSSOM AUSSOM and mission support SNAF secure Shabaab militants restore lasting Force offensive, terming Kavuma Gen. game-changer, brave forces AUSSOM AUSSOM culminating Uganda committed Commander, Brigadier General journey "The AUSSOM Joseph lasting Musoke Bariire troops, security. achlevement recovered cache destroy weapons previously used Lower militants Shabelle. Sabiid Shabaab had used strategic town SNAF launchpad securing town conducting searches"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -