Waxaa soo kordhaya xiisad dagaal oo ka dhashay howgal hub ka dhigis ah oo Dowlada Somalia ku dhawaaqday inay ka bilowday Muqdisho kaasoo xalay ku fiday ilaa Deegaano hoos taha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo la isku fara saaray xalay hadana la isku hub urursanayo.
Howlgalka hub ka dhigista oo shalay subax si rasmi ah uga bilowday Xaafadaha Degmad C/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa ku fiday Degmada kale ee Gubadleey taasoo dhalisay in ciidamo uu leeyahay Siyaasiga C/laahi Maxamed Nuur oo tikniko kala baxsanayay Muqdisho uu dagaal ku qabsaday deegaaka Ceelka-bashaqle ee duleedka Degmada Warsheekh waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.
Xiisado dagaal iyo isu hub urursi ayaa ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe waxaana wararka qaar sheegayaan in ciidamadii C/laahi Maxameed Nuur gaareen halkii ay u socdeen oo ah Degmo xeebeedka Caddalel kadib markii ay iska caabiyeen ciidamada Milateriga Dowlada ee jidka u galay.
Dhanka kale ma jirto wax fah faahin ah oo ka soobaxay dhanka Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia ama dhanka Milkiilaha Elite Hote kaasoo ay kaga hadlayaan daaalada xalay ka dhacay duleedka Warsheekh iyo khasaaraha ka dhashay.
Wixi war ku soo kordha wararkeena xiga ayaad kala socon kartaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
