Hoyga Xasan Khayre oo ka mashquul batay Madaxtooyada Soomaaliya (Ogow Sabab)

0

 

Tan iyo markii Xasan Cali Khayre uu shaaciyay musharaxnimadiisa xilka madaxtinimada dalka, ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka billaawday isbedel xooggan iyo hadal heyn ku saabsan doorashooyinka dalka iyo cidda ay dadka Soomaaliyeed u saadaalinayaan inay noqoto hoggaanka dalka mudada afarta sano ah ee nagu soo foolka leh.

Hoyga Xasan Cali Khayre uu ka deganyahay Muqdisho ayaa isu bedelay xarun saxmad badan, waxaana Xasan Khayre uu ku jiraa kulamo joogta ah oo uu la yeelanayo dhamaan qeybha bulshada oo ay ka wada hadlayaan arrimo la xariira doorashooyinka.

Qaar kamid dadkii hoyga Xasan Cali Khayre tegay ayaa sheegay inuu xilligaan ka mashquul badanyahay madaxtooyada sababo la xariira in dadka Soomaaliyeed badankood ay u arkaan inuu yahay mas’uulka ugu fursadda badan xilligaan iyo isaga oo billaabay olole xooggan maadaama xilliga doorashada madaxtinimada dalka ay ka dhimantahay 120 maalmood.

Xasan Khayre oo dalka kasoo noqday Ra’iisul wasaare intii u dhexeysay February 2017 iyo July 2020, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu u ordayo xilka madaxtinimada, waxaana dadka Soomaaliyeed ay kusoo dhaweeyeen niyad wanaag, iyaga oo ku taageeray guulihii uu dalka gaarsiiyay intii uu ahaa wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Intii uu Xasan Khayre Ra’iisul Wasaaraha ahaa, waxaa dalka ka dhacay isbedello waaweyn oo ay kamid aheyd cafinta deymaha dalka lagu lahaa, dib-u-habeynta ciidanka iyo dhaqaalaha, Qabka Soomaalinimada oo dib loo soo celiyay, dhallinyaro ku dhibaateysnaa xabsiyo dalka dibadiisa ah oo dalka lagu soo celiyay, Musuqa oo lala dagaalay, Hirgelinta tubaha qaranka, isla xisaabtan joogta ah, Dhismaha Galmudug midaysan, dib-u-heshiisiin dhaxal gal ah iyo ka qeyb galka siyaasadda ee dhalliyarada oo kor loo gaaday.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here