HomeWarkiiHub Dowlada ay leedahay oo Gaalkacyo lagu bililiqeystay iyo Puntland oo war...

Hub Dowlada ay leedahay oo Gaalkacyo lagu bililiqeystay iyo Puntland oo war ka soo saartay

Wararka laga helaayo Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegaya in hub ay leedahay Dowlada Faderaalka ay dad shacab ah goor dhaw bililiqeysteen xili hubkaasi la hadal hayo in loo waday ciidamada Milateriga Dowlada Somalia  ee duleedka Gaalkacyo ku sugan.
Maamulka Puntland ayaa durba war ka soo saaray dhacdadaani la sheegay in hubkii Dowlada uu gacanta u galay dad shacaba gaar ahaan wasiiru Dowlaha madaxtooyada Najiib Barkhadle Warsame kaasoo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.
Qoraalka Wasiirka ayaa sidan u qornaa:-
 Dawladda xilgaadhsiinta ee uu hogaaminayo madaxwayne hore Hassan Sheikh Mohamud, hubka ay gacanta ku hayso, waa mid khatar ku ah amniga shacabka somaliyed, kuna jira gacan aan mas’uul ahayn.
Hubka madaxwaynihii hore ee somaliya, ku soo daabulayo gobolka Mudug waa mid halis ku ah amniga gobolka iyo kan somaliya, waxaana muuqata in si’ ulakac ah gacanta loogu galinayo hubkii qaranka dad shacab ah iyo kooxo sumado xun leh.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -