=XIGASHO BBC SOMALI=

Hub

Advertisement

Kowdii Diseembar, 2023 waxay Soomaaliya u ahayd maalin taariikhi ah ka dib markii laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano.

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa ka yeeshay kulan ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992-dii.

Go’aanka cunaqabateynta ee sanadkii 199 dii ayaa Goluhu ku saleeyay xilligaas si looga hortago qulqulka hubka ee dalka oo waqtigaas dagaallo sokeeye ka jireen, kuwaas oo ka dhashay markii meesha laga saaray dowladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dadaallo is daba joog ah oo ka soo billowday sanadkii 2012-kii ayey Soomaaliya ku gaysay masraxyda caalamka sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabtayntan iyagoo ku andacoonayay inuu dalku u bahan yahay inuu helo hub uu ku qalabeeyo ciidamadiisa si ay uga adkaadaan kooxda Al-Shabaab oo muddo 15 sano ka badan dagaal kala horjeedda dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cisman ‘Baalle’ ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay awood u siinayso Soomaaliya ka hortagga khataraha dhanka ammaanka sidoo kalana u oggolaanayso xoojinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya.Hub

Soomaaliya hub noocee ayey u baahan tahay hadda?

Cuna qabataynta hubku waxay caqabad ku ahayd horumarka milatari ee dawladda Soomaaliya gaar ahaanna inay ka adkaato kooxda Al-shabaab oo ay dagaal kula jirto, sida ay qabaan dad badan oo ka faalooda amniga Soomaaliya.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa,”ayuu BBC u sheegay dhawaan Xuseen Macallin oo ah la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay qabto baahi milatari oo guud iyo mid gaar ah. Tan guud waa inay awood ahaan dhisanto kuna fiilnaato amniga dalkeeda, balse baahi degdeg ah ayaa jirta sida ay dawladda Soomaaliya qabto.

Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo darajada sareeye guuto ka gaaray ciidamada Soomaaliya sidoo kalena soo maray abaanduulaha ciidamada dhulka, ayaa isaga oo khibradiisa kaa shaanaya BBC da la wadaagay nuuca hubka casriga ah ee Soomaaliya u baahan tahay iyo sidoo kale kuwa ay horay u haysan jirtay laakiin ka baxay gacanta dawladda.

Dhanka cirka

Dunida waxaa waayahaan dambe caan ka noqday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo kaalin aan la dafiri karin ka qaata furimaha dagaalka. Soomaaliya hadda waxaa ka caawiya isticmaalkooda wadamo uu kamid yahay Maraykanka, balse waxa uu sheegay Janaraalku in ay u baahan tahay Soomaaliya.

Dawladda dariska ah ee Itoobiya ayaa la soo wariyay inay isticmaashay diyaaradahaas intii uu socday dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Inkasta oo ay meesha ka saareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, weli waxaa loo baahan yahay diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano miigga, kuwaas oo ay kamid ah hubkii cirka ee Soomaaliya. Dabcan haatan waa la sii casriyeeyay sanadahaan dambe.

Dhulka

Sida uu qabo Janaraal Caanood, Soomaaliya hadda uma baahno hubka culus ee dhulka si ay uga adkaato Al-shabaab, taas baddalkeedana kaliya waxay u baahan yihiin ciidanku hubka “fudud oo xoogaa ka casrisan kan ay Al-shabaab ku dagaalamayaan” iyo gawarida gaashaaman ee daabula ciidanka.

Baabuurta qafilan ayaa ah kuwa kaalin xoogan ka agystay furimaha, maadaama ay adag tahay in rasaasta qaar ee ay isticmaalaan ururka al Shabaab ee laga dagalaama ciidanka dawladda ay ka gudubtay, sida uu sheegay Janaraalku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baahi gooni ah ay ka jirto dhanka sahanka. Diyaaradaha masaafada kooban duula ee ay adeegsadaan ciidamada dhulka si ay sahan ugu sameeyaan goobaha cadowga ayuu sheegay in loo baahan yahay.

Balse waxaa dad kale qabaan in taangiyada oo ah hub wali muhiim ka dhex ah furimaha ay u baahan tahay Soomaaliya.

Inta badan ciidamada wadamada Afrika ka socda ee caawiya Soomaaliya ayaa ah kuw kaliya ee Soomaaliya gudaheeda lagu arkay. Balse dawladdii Soomaaliya ayaa haysatay tiro badan oo taangiyadaas ah.

“Waxaan heli doonnaa taangiyo, diyaarado dagaal iyo maraakiibta dagaalka” aytuu yiri Janaraal caanood mar uu ka hadlayey yoolka durugsan ee horumarinta ciidanka Soomaaliya.

Inta badan hubka ay u baahan tahay Soomaaliya ayuu sheegay in lagu miisaamo, waxyaalaha aysan heli karin cadowga ay la dagalaayaan.hub

Xagay ka heli kartaa hubkan Soomaaliya

“Dawladda Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo kala duwan oo hub ku caawin lahaa, haddii aysan saarnayn cuna qabataynta hubka, ama daynbaa lagu siin doonaa ama mucaamalaa lagusiin doonaa,” ayuu yiri janaraal caanood mar uu ka hadlayey halka ay dawladda Soomaaliya ka heli karto hubka.

Soomaaliya ayaa horay waxa ay hubka uga heli jirtay wadamo uu kamid yaay Ruushka. Hubkaas oo caanka ahaa gudaha milatariga Soomaaliya ayuu qabaa Caanood in dunida haatan uu yaalo hubka kale oo casri ah loona baahan doono in lagu tababaro ciidanka.

Soomaaliya ayaa haatan taakulada hub ee ugu badan ka hesha wadamo ay kamid yihiin Turkiga, Imaaraatka iyo Maraykanka, balse haatan waxay awoodaa inay soo iibsato hub iyada u gooni ah.askari

Sidee loo kaydinayaa hubka?

Janaral caanood wuxuu sheegay in qalabka ciidanku uusan u baahnayn meel lagu xareeyo marka hawl galka lagu jiro, “xilliyada tababarka oo kaliya ayuu hubku xeryaha yallaa” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa lahaan jirtay xeryo caan ahaa oo lagu kaydin jiray hubka ciidanka, laakiin janaraalka ayaa sheegay in waqtiyada dagaalka sida kan ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Janaraalka ayaa sheegay in muddo hal sano ah oo uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee toddobatan iyo toddobadii aanu hubku u baahan meelo lagu kaydiyo maadaama si joogto ah loo isticmaalayey.

“tangiyada iyo wixii roobku dhibayo jiingado ayaa loo samaynayaa ciidankuna teendhooyin ayuu u baahan yahay ee dabaqyo uma baahna” ayuu yiri Caanood.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleQarax ka dhacay Degmada Ceel-waaq
Next articleKooxaha Gaadiidka iyo Dekadaha oo Maanta u safray Baydhaba+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here