𝗛𝗨𝗕 𝗞𝗔 𝗬𝗜𝗠𝗜𝗗 𝗗𝗔𝗟𝗞𝗔 𝗜𝗥𝗔𝗡 𝗢𝗢 𝗟𝗔 𝗦𝗛𝗔𝗔𝗖𝗜𝗬𝗘𝗬 𝗜𝗡𝗨𝗨 𝗞𝗨 𝗦𝗢𝗢𝗤𝗨𝗟-𝗤𝗨𝗟𝗔𝗬𝗢 𝗚𝗨𝗗𝗔𝗛𝗔 𝗦𝗢𝗠𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔

FARMAAJO AYAA HALIS AMNI DARRO OO AAN LAGA SOO KABAN KARIN 100 SANO U ABUURAY DADKA & DALKA SOMALIYA.

Hub ay Iran u qeybisay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si sharci-darro ah looga gudbiyaa Gacanka Cadan, ayada oo la geynayo Somaliya, waxaa sidaas maanta lagu sheegay daraasad ay soo saartay hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva.

Hay’adda Global Initiative ee la dagaalanka dambiyada caalamiga ah ee abaabulan ayaa sheegtay in daraasaddeeda saldhig looga dhigay in ka badan 400 oo hub oo laga diiwaan geliyey 13 goob oo ka mid ah Somaliya muddo 8 bil ah & kuwo laga qabtay 13 doon oo ay ay qabteen ciidamada ilaaliya xeebaha.

Waa daraasaddii ugu horreysay oo iftiimisay xaddiga hubka sida sharci-darrada ah uga gudba Yemen ee la geeyo Somaliya.

“Hub asalkiisa ka soo jeedo ganacsiga hubka ee Iran & Yemen ayaa la geliyaa Somaliya,” ayey tiri daraasadda oo maanta la daabacay.

“Iran marar badan ayey beenisay inay ku lug leedahay hubka la siiyo Xuutiyiinta. Si kastaba caddeymo baaxad weyn ayaa muujinaya in dowladda Iran ay hubka u qeybiso.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Iiraan & afhayeenka Xuutiyiinta ayaa labaduba diiday inay ka jawaabaan daraasadda.

Afhayeenka xukuumadda federaalka Somaliya & Wasiirka Amniga Gudaha kama aanay soo jawaabin codsi falcelin oo aan u dirnay ayaa lagu yiri qoraalka daraasada.

Daraasadda ayaa intaas ku dartay in baarayaasha ay awoodi waayeen inay diiwaan-geliyaan magacyada dadka hubka iibiya & kuwa soo iibsaday.

Hase yeeshee waxaa jira astaamo cad oo muujinaya in hubka ay qeybisay dowladda Iran, ayada oo taxanayaasha lambar ee hubka ay muujinayaan inay yihiin kuwa ka yimid Iiraan.

Waxaa sidoo kale jira in xogta laga helay nidaamyada satalaytka ee maraakiibta la qabtay & sirdoonka bini’aadamka ee kooxaha wax tahriibiya ay intuba la xiriirinayaan Tehran

Mid ka mid ah doomaha hubka sida oo ay qabteen ciidamada badda Mareykanka ayaa laga helay xogta safarka markabka oo muujisay inay ka timid Iiraan oo ay soo martay Koonfurta Yemen oo ay tagtay Somaliya.

Daraasadda ayaa sheegtay in hubka uu u gacan galay shabakado ganacsi sharci-darro ah ka wada Somaliya, kuwaas oo macaamiishooda ay ku jiraan kooxo is-hubeynaya ka hor doorashada Somaliya, maleeshiyo beeleedyo, kooxaha Al-Shabaab & Daacish.

Sidoo kale Farmaajo ayaa dalka Somaliya keensaday drones oo la cadeeyay inay dadka & Madaxda Somaliyed ku dili rabo, kooxaha Argagaxisada Daacish ayaa hore u adeegsaday Drones-ka lagu dilo madaxda oo ay qaraxyo ugu xireen oo uu ugu dambeeyay Raysal Wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi oo ka badbaaday isku day dil dhaawacna uu ku soo gaaray weerarkaas ay fuliyeen kooxo Iiraan ka amar qaata.

Qatar ayaa la shaqeysa Iiraan oo labadoodaba caan ku ah u dhoofinta Argagaxisada dunida dadka Muslim ka ah & dalalka Islaamka oo ka abuura qaraxyo & qaarijin joogto ah.

(Waa qeyb ka mid ah Warbixinta Hay’adda daraasada sameysa oo 50 bog ka kooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here