XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa shaaca ka qaaday kulamada ay Gunners khasab ku tahay inay badiyaan haddii ay doonayaan inay ku guuleystaan Premier League xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa Sabtidii ku billaabatay guul qurux badan oo 5-0 ah ay kaga badiyeen Leeds United garoonka Emirates, taasoo ahayd kulankoodii ugu horreeyay ee horyaalka oo ay ku ciyaaraan garoonkooda.
Weeraryahanka cusub Viktor Gyökeres ayaa labo gool dhaliyay si uu uga jawaabo dhaleeceyntii kulankii Man United, halka daafaca Jurrien Timber isna dhaliyay laba gool oo kale. Bukayo Saka ayaa goolka furitaanka u dhaliyay Arsenal ka hor inta aan loo badalin dhaawac muruqa bowdada ah.
Wright oo ka hadlayay barnaamijka Premier League Productions ayaa sheegay:
“Haddii aad rabto inaad ku guuleysato Premier League, waa inaad dhammaan ciyaaraha garoonkaaga ku guuleysataa.
Waxa uu intaas ku daray in Leeds ay isku dayeen inay niyad-jabiyaan Arsenal, balse Gunners ay muujiyeen dulqaad iyo in ciyaartu ugu dambeyntii noqotay mid fudud oo caadi ah.
Kulanka xiga, Arsenal ayaa booqan doonta Liverpool iyagoo rajo ka qaba inay sii wataan bilowgooda wanaagsan ee xilli ciyaareedka.
XIGASHO LAACIB.NET
