XIGASHO LAACIB.NET
Daafaca dhexe ee Liverpool, Ibrahima Konate, ayaa si kaftan ah uga hadlay wararka sheegaya inuu ku biirayo Real Madrid. Wareysi uu siiyay Telefoot, ayaa weriye ku weydiiyay xanta sheegaysa in Kylian Mbappe uu cadaadis saarayo inuu yimaado Madrid.
Konate ayaa qosol ku jawaabay: “Haa, Kylian Mbappe ayaa ii soo waca laba saac kasta,” taas oo qosol badan ka dhalisay gudaha studio-ga.
Inkasta oo hadalkiisu ahaa kaftan, haddana ma aysan demin wararka sii xoogeysanaya ee ku saabsan mustaqbalkiisa. Heshiiska uu kula jiro Liverpool ayaa dhacaya 2026, balse wadaxaajoodyada kordhinta qandaraaskiisa ayaa hakad galay, arrintaas oo xiiso galisay kooxo badan oo waaweyn oo Yurub ah.
Konate, oo 26 jir ah, ayaa loo arkaa mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu wanaagsan Yurub, isla markaana si joogto ah uga tirsan xulka qaranka Faransiiska. Real Madrid ayaa u aragta xoojinta difaac waqti dheer ah, halka Liverpool ay dooneyso inuu sii joogo balse aysan rabin inay jebiyaan qaabka mushaharka ee kooxda.
XIGASHO LAACIB.NET
