DJABUTI (DAYNIIILE.COM)-Madaxweynaha Jabuuti IsmaaciilnCumar Geelle ayaa ku baaqay in IGAD isugu timaado kulan deg deg ah kaasoo looga hadli doono damaca Itoobiya ee ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya.

Jabuuti ayaa xiligaan ah Guddoomiyaha Ururka IGAD taasoo awood u siineysa inay kulan deg deg ah iclaamin karaan.

Advertisement

Dalka Uganda ayuu ka dhici doonaa Shirkaan 18-ka Bishaan; shirkaan wuxuu  daba socda baaqii Soomaaliya ee ahaa in Wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya.

Shirkaan ayaa xasaasi ah madaama Dowlada Itoobiya qaladkii ay gashay ay ku sii ad adagtahay balse shirkaan ayaa suurtagal ka dhigi kara in lala xisaabtamo Dowlada Itoobiya oo meel uga dhacday Madax banaanida iyo Qaranimada Soomaaliya.

Dhanka kale lama oga inay Itoobiya ka qeybgeli doonto iyo inay qaadici doonto shirka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan muxuu kala hadlay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya
Next articleSacuudiga oo garab istaagey Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here