Dalalka IGAD la isku dhaho ee Afrika ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan fashilkii laba maalin ka hor ku yimid shikrkii u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Mucaaradka kaasoo looga hadlayay sidii loo qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay madaama muda xileedka Dowladu dhamaaday.
Dalalka Afrika ee IGAD la isku dhaho waxay ugu baaqeen dhinacyada Soomaalida inay miiska wada hadalka ku soo laabtaan si looga heshiiyo wixii keenay kala taga .sidoo kale looga heshiiyo arimaha siyaasada ee la isku hayo sida Doorashooyinka.
IGAD warbixintooda waxay ku muujiyeen in wada hadalada siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida Soomaaliya, xoojinta dowlad-dhiska iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda.
Soo jeedinta IGAD ayaa xoojineysa sidaas oo kale warar uga soo baxay Qaramada Midoobe dalalka daneeya arimaha Somalia ee reer Galbeedku ugu horeeyaan ,Midowga Afrika kuwaasoo dhamaantood ku wada baaqaya in miiska wada hadalka lagu soo laabto.
Baaqyadaan waxay ku soo aadayaan xili Dowlada Somalia ku eedeysay mucaaradka in dhankooda uu ka socon waayay wada xaajoodka halka mucaaradkuna sidaas oo kale iyaguna Dowlada ku eedeeyeen ineysan rabin heshiis.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
DAYNIILE.COMÂ

