HomeWarkiiIiraan oo aqbashay inay arinta nuyukleerka kala hadasho dalal reer Yurub.

Iiraan oo aqbashay inay arinta nuyukleerka kala hadasho dalal reer Yurub.

TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Wakaaladda wararka ee Tasnim News ayaa shaacisay in Dowlada Iiraan aqbashay inay Dalal reer Yurub ah kala hadasho arinta hubkeeda Nuyukleerka oo hore Mareykanku howshaasi ugu jirey balse ay hada kala boodeen kadib duqeymihii Mareykanka ee xarumahooda Nuyukleerka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi ayaa qirtay jiritaanka warkaani wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin inay arintooda Nuyukleerka kala hadlaan sedexda dal ee kala ah ah  Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska.

Inkastoo Iran ogolaatay wada xaajoodkaan hadana waxay waxaa la soo sheegayaa in hada uu socdo ku aadan waqtiga iyo goobta wadahadalka uu ka dhici doono iyo waliba dariiqa loo marayo.

“Waa lagama maarmaan in dalalka Yurub loo sheego mawqifyada Iiraan, dhab ahaantiina Iiraan way ka xoog badan tahay sidii hore oo ay u raadin lahayd xuquuqdeeda dagaalka kaddib.”ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Iran sida BBC-du tabisay.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee dalkaas oo soo xiganaysa Esmail Baghai, oo ah

Dhanka kale Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghai ayaa laga helay in goobta uu shirka ka dhacayo ay noqon dooto Magaalada Istanbul ee Dalka Turkey sidoo kale wuxuu sii sheegay afhayeenku in kulanka ugu horeeya uu qabsoomi doono  25-ka bishan July.

XAFIISKA WARARKA SYAASADA 
DAYNIILE.COMWasiirka arimaha dibada Iran Cabas Araghchi aya kueedeeyay Mw Trump inuu  wado dacaayad iyo aflagaado kadhan ah hogamiyaha Iran Ayatullahi Khumeyni  wuxuuna raaciyay hadalkisa inuu joojiyi arintaas waa hadii uu daacad kayahay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -