Milateriga Iiraan ayaa goor dhaw oo caawa fiidkii ah waxay dib u bilaabeen duqeymo culus oo ku hoobanayaa magaalooyinka Talaabiib iyo Xeyfa xili duqeymihii xalay Yuhuudu ku quusteen markii burbur xooggan uu soo gaaray.Wararka hou dhaca ah oo la helayo ayaa sheegaya in gantaalada Iiraan ay ka gudbeen nadaamka difaaca Israel islamarkaana kala cararkii iyo burburkii mar kale u bilowday Yuhuuda.
Sidoo kale warar durba ay shaaciyeen Warbaahinta Iran ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee caasimada Yuhuuda uu kamid yahay meelaha caawa ay beegsadeen.
Dagaalka u dhexeeya Yuhuuda iyo Iiraan oo xaalad adag lugaha la sii galaya ayaa ilaa iminka aysan jirin talaabo muuqata oo labada dal lagu heshiisiin karo xili Qaramada Midoobe ay sii tabar dareyneyso oo aadba moodo inay iska daawanayaan mushkiladaha dunida ku sii badanaya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
