HomeWarkiiIiraan oo ka hadashay weerar Israa,iil ku qaaday xarumahooda nuyukleerka iyo gantaalada

Iiraan oo ka hadashay weerar Israa,iil ku qaaday xarumahooda nuyukleerka iyo gantaalada

Israa’iil ayaa duqeyn ka geysatay xarumo Nuyukleer iyo kuwo gantaalo oo Iiran ku yaal xili waan waan laga dhex waday dhinacyada waxaana ka hadlay oo war ka soo saaray Wasiirka arimaha dibada Iiran Seyed Abbas Araghchi.

Meelaha Yuhuudu weerartay waxaa ka mid ah labo xarumood oo la xiriira Nukliyeer mana jirto wax sii daayay walxo shucaac ah,xili Wasiirka arimaha dibada Iran uu ku sheegay goobaha la weeraray inay yihiin nuyukleerka rayidka sida uu warka u dhigay.

Sidoo kale Wasiirka wuxuu sheegay in goobaha la weeraray ay ku jireen 2 ka mid ah warshadaha birta ugu waaweyn Iran iyo xarun koronto.

Wasiirka arimaha dibada Iran wuxuu intaasi ku daray weerarka dalkiisa lagu soo qaaday uu ku soo aaday xili ay wali taagan tahay muddadii dheeraadka ahayd ee Madaxweynaha Mareykanka u qabtay diblomaasiyadda.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Yuhuuda ayaa si caadi ah u sheegtay weeraradaani iyo waliba goobaha ay ka geysteen weerarka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -