Tahran (dayniiile.com)-War ka soo baxay Dowlada Iiraan ayaa lagu sheegay inay Dagaalka geli doonaan hadii Isra’il joojin weyso xasuuqa ay ku heyso shacabka aan waxba galabsan ee reer Falastiin.

Iiran waxay si cad u sheegtay inay xaaladdu faraha ka bixi karto ayna ka dhalan karto cawaaqib xumo ba’an sida ay sheegtay BBC-da.

Advertisement

“Qaramada Midobe ayay saaran tahay masuuliyada ineysan xaaladu ka sii darin”ayaa lagu yiri warkla Iiraan ka soo baxay.

Warkaan ka soo baxay Iiraan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan kulan magaalada Dooxa uu ku dhex maray hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniya iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Hossein Amir-Abdullahian.

Wasiirka arimaha Dibada Iiran wuxuu aad ugu amaanay Dagaalyahanada Xamaas weerarkii ay asbuucii hore ku qaadeen Yuhuuda isagoona ku tilmaamay guul taariikhda galay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Iiraan

Previous articleCiidamo  tababar u soo dhamaaday oo maanta Muqdisho lagu soo celiyay.
Next articleDeeq Dawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Degmada Jawiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here