TEHRAN (DAYNIILE.COM)-War lagu shaaciyay Wakaaladda wararka Iran ee Fars ayaa lagu shaaciyay in Iiraan manta ku weerartay Israa’iil diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drons-ka kuwsoo xanbaari kara qaraxyo bur burin kara dhismayaasha dhulka hoostiisa laga sameysto.
Drons-kaan oo qaadi kara madaxyada qarxa ee loo yaqaan bunker-busters ayay Dowlada Iiraan sheegtay inay ku weerartay bartilmaameedyo Yuhuudu leeyihiin.
Drons-kaan qaraxyada ay tuureyso waxay awood u leeyihiin inay dumiyaan xarumaha milteri iyo sirdoon ee Israa’iil ku ledahay dhulka hoostiisa inkastoo Iiraan cadeymo soo bandhigin.
Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil ayaa maanta lixaad galay iyadoo berina ay asbuuc u buuxsameyso hadii rabi idmo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM