HomeWarkiiIiraan oo si jilcan uga jawaabtay hanjabaadii Trump

Iiraan oo si jilcan uga jawaabtay hanjabaadii Trump

TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Kadib hanjabaadii ka soo baxday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa ka hadlay balse si jilcan uga jawaabay Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbas Araghchi, kaasoo sheegay in xukuumaddiisu aysan qorsheyneynin inay daldasho shacabkii banaan baxayayay ee ciidamada Iiran qabteen .

Wasiirka wuxuu daba socdaa oo hadalka Madxaweyne Trump ku jirtay in hadii shacabka ay Dowlada Iiraan toogato inay kaga jawaabi doonaan weerar duqeyn ,wuxuuna wasiirku muujinayaa inay ka yara cabsadeen hanjabaada Trump xili marka dhanka siyaasada xiligaan la eego Iiran ku saxan tahay inay cabsato.

Wasiir Cabbas Araghchi wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Trump inuusan ku dhaqaaqin weerarkii sanadkii hada dhamaaday ay ku qaadeen Iiran gaar ahaan xarumaha nuyukleerka Iiran isagoona ku tilmaamay qalad Mareykanu galay xiligaas oo waliba ay dagaal kula jireen Israa’iil.

Dagaal aan qasab kugu ahayn ma wanaagsana in la galo waxaana falsafadaas aad ugu xel dheer Dalka Shiinaha oo ka mid ah sedexda dal ee dunida ugu awooda badan dhanka hubka, maanta iiraan inay iska xaliso mareykan waa bad-baada awoodeeda madaama ay dagaal kula jirto Israa’iil.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMIran's Foreign Minister Abbas Araghchi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -