Sida aan ka soo xiganay BBC laanteda afka Somaliga ah Hal saac kadib markii CENTCOM ay soo saartay bayaan ku saabsan jin ay joojiyeen markab shidaal oo ku sii jeeday dekedaha Iraan, wakaaladaha wararka ee gudaha Iraan iyo kuwa ku dhow Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in dhawaaqa digniinta laga maqlay Kuwait kadib weerar gantaallo oo lagu qaaday saldhig ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalkaas.
Inkasta oo wakaaladda wararka ee Tasnim aysan si rasmi ah u xaqiijin in weerarku ka yimid Iraan, haddana waxay soo xigatay ilo Carabeed oo sheegay in “ugu yaraan saddex qarax” laga maqlay Kuwait, isla markaana la weeraray laba saldhig oo kala ah Ali al-Salem iyo Arifjan.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Kuwait ayaa sidoo kale sheegtay in aroornimadii Arbacada laga dhawaajiyey kambaleelka digniinta, waxayna muwaadiniinta uga digtay inay ka taxaddaraan burburka ama jajabka ka dhasha rasaasta difaaca hawada ee lagu celinayo weerarrada gantaallada.
