Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa Caawa weerar gantaalo ah waxay ku garaaceen magaalooyin ka tirsan Waqooyiga |Israa’iil kuwaasoo wali aan faah faahin laga helin khasaaraha nafeed ee ka dhashay.
Seeriga Digniinta ayaa is qabsaday Magaalooyinka Israa’iil markii weerarka xaga cirka ah lagu bilaabay xili isla caawacana ay fasaxeen iskuulada beri subax ardeydu aadi lahaayeen,saraakiisha Iiran ayaa warbaahinta durba u sheegay in weerarkooda caawa ay jawaab u tahay weerarada Israa’iil ku heyso Lubnaan.
Ciidamada millatariga ilaalada Kacaanka Iiraan waxay intaasi ku dareen in weeraradan ay yihiin kuwa bilow islamarkaana ay sii wadi doonaan inta Israa’iil weerarada ku heyso Lubnaan.
Warbaahinta Dunida ayaa hadal heysa weerarada jawaabta ah ee ka iman kara Israa’iil xili madaxda Yuhuuda qaarkood sida Wasiirkooda Amniga uu ku goodiyay inay Tehran weerari doonaan.
Dhanka kale Trump oo durba isla caawa ka hadlay weerarada Iiran ayaa sheegay inuu la hadlay Natenyahu una ka dalbaday ineysan jawaabin ka bixin weerarka kaga yimid Iiran madaama rajo wanaagsan laga qabo in heshiis rasmi ah oo laga gaaro dagaalada Bariga dhexe.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
