HomeWarkii Iiran oo maanta Dalkeeda ka erisay  Hay'adda QM u qaabilsan xakamaynta hubka...

 Iiran oo maanta Dalkeeda ka erisay  Hay’adda QM u qaabilsan xakamaynta hubka Nugliyeerka

TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Dowlada Iiraan ayaa maanta dalkeeda ka erisay Kormeerayaasha Hay’ada Hay’adda QM u qaabilsan xakamaynta hubka Nugliyeerka ee IAEA kuwaasoo isla maantaba ka ambabaxay Tehran.

Saraakiishan ka socotay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa ku sugnaa caasimadda 12-kii maalmood ee u dambeeyay oo ay dagaallo ka socdeen.

Kooxdaan kormeerayaasha ee ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa maanta ka baxay Iran ka dib amarka Dowlada Iran ,Iran waxay ku eedeysay Hay’adaan inay iyaga ka dambeeyeen dagaalkii Israa’iil ku soo qaaday Iran ee socdaY mudo 12 maalmood ah.

Guud ahaan gudiga Hay’ada Tamarta Atoomikada ee Caalamiga ah (IAEA) ayaa gaareen xaruntooda Vienna ee dalka Austria.halkaasoo oo markii horaba ay ka imadeen.

Gudiga Hay’adda Nugliyeerka Adduunka ee IAEA ayaa si nabad ah ku gaaray xarunta Guud ee Hay’adda IAEA ee magaalada Veinna ee dalka Austria sida uu warbaahinta u cadeeyay Madaxa Hay’adaasi Mr. Rafael Grossi.

Madaxweynaha Iran ayaa amar uu soo saaray lagu eryay  Hay’ada IAEA kadib markii baarlamaanka Iiraan uu arbacadii dhaqan geliyay xeer lagu joojiyay xriirikii wada shaqayneed ee uu dalka Iran la lahaa Hay’adda IAEA.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMIAEA logo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -