TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Dowlada Iiraan ayaa la soo sheegayaa inay shuruud adag ku soo dartay wada-hadallada nukliyeerka ee ay kula jirto Mareykanka.
Shuruudan cusub ee Iran wadato ayaa ah in la burburiyo nukliyeerka Israa’iil sida ay shaaciyeen warbaahinada dunida gaar ahaan kuwa wargeysyada Mareykanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dowlada iran heshay xogta hubka nukliyeerka ee ay heysato Israa’iil islamarkaana hadii loo baahdo ay soo bandhigi karto cadeymo dhameystiran.
Shuuraadaan cusub oo Iran ku xirtay mira dhalka wada-hadalka Mareykanka ay kula jirto kaasoo dhamaakiisu Mareykanku doonayo in lagu qasbo Iran inay burburiso balse shuruudaan cusub ayaa noqon karta caqabad cusub.
Sidoo kale Shuraadaan Iiran iyo cadeymaha ay ka heyso nuyukleerka Israa’iil ayaa noqon kara mid ka careysiiya Mareykanka madaama aan laga marin dhanka Israa’iil,sidoo kale waxaa dhici karta in shuruudaani darteed ay keeni karto burbur ku yimaada wada-xaajoodka Mareykanka iyo Iiran.
Dhanka kale bur-bur ku yimaada wada-xaajoodka wuxuu keeni kara dagaalo ka dhaca bariga dhexe gaar ahaan mid u dhexeeya Mareykan iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiran.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM