Gabadha Soomaaliyeed ee Ikraam Tahliil Faarax, waxa ay aheyd sarkaalad ka tirsaneyd hay’ada sirdoonka qaranka ee NISA, waxaana ay baratay kuna shaqeynaysay cilmiga Cyber Security, ammaanka internet-ka.

Warar dhinaca sirdoonka ah ayaa sheegay in gabadhu ay galaangal u laheyd in ay si toosa iyo si dadbanba u geli kartay inta badan computerada dawladda Soomaaliya, aqoonteeda iyo jagada ay haysay darteed.

Gabadhu waxa ay horey ula soo shaqaysey Agaasimahii hore ee NISA, Mudane Cabdulahi Maxamed Cali Sanbalooshe, iyadoo markii dambena la shaqeysay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho, Alle ha u naxariisto Eng Cabdiraxmaan Yariisow,

Ikraan Tahliil Faarax, waxaa ay gacanta ku haysey arimo aad u qatar ah oo sir culus ah xiriirna la leh xogaha dhabta ah ee hawlaha Dawladda ilo sirdoon ayaa sidaas sheegay.

Taasi waxay sahleysay in ay xogogaal u noqoto xiriiro badan iyo siro aad u culus kuwaas oo xitaa dawlado ajnabi ahi ku jiri karaan.

Ilo xog xogaal ah ayaa iyaguna sheegay in dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ciidan ahaan sida qarsoodiga loogu qaaday dalka Eritrea, iyo weliba qaraxii lagu dilay Eng Cabdiraxmaan Yariisow, halka laga soo abuubulay in gabadhu ay xog ka haysay.

Gabadhaa Soomaaliyeed ee Ikraam Tahliil Faarax, arimahaas sirta ah ee culus oo isu tagay ee wada qatarta ah oo ay ogaatay darteed ayay u badan tahay in ay sababsatay oo loo shirqooley iyadoo ilaa haatana mudo afar bil ku dhaw nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Kiiska Ikraan Tahliil mudooyinkan oo dhan ayuu taagnaa waxaana maalintii shalay mar kale ka hadashey Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad, oo sheegtay in ay tahay hooyo dhibane ah, oo markii ummaddu seexato murugo lasoo jeeda, waxaana ay intaas raacisay in qofkii maanta cadaaladda gabadheeda Ikraan Tahliil, hor taagan, Ilaahey uu xaqa kasoo ifin doono,”

Sidoo kale xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, oo kiiska Ikraan Tahliil, iyo cadaalad helideeda u taagan ayaa iyaduna shalay sheegtay in baaritaankii kiiska Ikraan Tahliil, ee ay geeyeen maxkamadda uu dhaqaaqi la’yahay sababo la xiriira dadka kiiska lagu tuhmayay oo awoodda dowladda isku qarinaya.

Maxkamadda iyo xeer ilaalinta waxa ay noo cadeeyeen in kiiska iyo halkii laga abaari lahaaba ay is-hortaagtay madaxtooyada iyo hogaanka ay u aqoonsan yihiin taliska NISA,”

Xildhibaan Aamina ayaa waxa ay madaxweyne Farmaajo, ku eedeysay inuu cadeystay in kiiskaan uu wax ka ogyahay, marka la fiiriyo tallaabooyinka uu qaaday ee uu ku carqaladeynayo iyo sida uu uga aamusan yahay.

Qore Cabdulaahi Nuur Colobop

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here