MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw Markooda Muqdisho soo gaaray ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laaii Deni.
Galabta ayaa lagu wadaa in laba diyaarad kale ay ku kala iman doonaa Muqdisho Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si ay uga qeybgalaan shirka Dowlada iyo Mucaaradka Golaha Mustaqbalka.
Shirkaan ayaa lagu wadaa in looga hadlo loogana heshiiyo arimaha doorashooyinka soo socda ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka si looga heshiiyo qaabka ay noqon doonto.
1-dii bishaan ayay ahayd markii hawada lagu celiyay isla ilaaladaan iyo kuwa Axmed Madoobe markii Dowladu ogaatay in diyaaradu sido ciidamo ka badan intii Dowladu ogolayd markaasoo ay dib ugu laabteen Kismaayo iyo Garowe.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
