Wararka laga helaayo Dalka Giriigga ayaa sheegaya in dhimasho badan ay ka dhalatay isku dhaca dooni ay la socdeen Tahribayaal iyo Markab laga leeyahay Dalka Giriigga oo ka mid ahaa ilaalada xeenaha Dalkaasi xili ay doonta ku amrayeen inay dib u laabato.
Sida xaqiijiyeen Ilaalada Xeebaha Dalka Giriiga waxaa shilkaani ku dhintay 14 ruux oo tahriibataasha ka mid ahaa, sidoo kale waxay xuseen inay ku dhaawacmeen 25 kale oo tahriibayaasha ka mid ahaa iyo waliba laba ka mid ah ciidamada ilaalada xeebaha Dalka Giriiga.
Shilka wuxuu ka dhacay jasiiradda Chios ee Badda Aegean-ka ,waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaal ku yaal Chios halkaasoo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad,wararka ayaa intaasi ku daraya inay jiraan tahriibayaal la yahay oo lagu tuhusan yahay inay bada ku dhex jiraan waxaana baadi goob ugu jira ciidamada dalka Giriiga kuwaasoo diyaarado iyo maraakiib wata bal si ay u soo bad-baadiyaan hadiiba la helo wax nool.
Tahriibayaasha oo inta badan ka soo jeeda Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya ayaa u socday dalalka Yurub si ay uga helaan nolol ay is leeyihiin waxay idiin dhaantaa meelaha ay ka kala imaadeen.
Si kastaba dhacdadaani ayaa noqoneysaa markii ugu horeysay inta laga war hayo in ciidamada Giriiga ku lug yeeshaan dhimashada dad tahriibayaal ah oo nolol doon ah madaama markabkooda uu sababay u yahay shilkaani dadka 14-ka ah ay ku dhinteen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
