Advertisement
Advertisement
Sida laga soo xigtay Corriere della Sera (via Milan News), labada Leao iyo Diaz ayaa mustaqbal aan la hubin ku yeeshay Milan laakiin inta u dhaxaysa waxay dhaliyeen saddex ka mid ah afartii gool ee ay 4-0 kaga badiyeen Napoli.
Iyadoo guud ahaan Milan ay u ahayd xilli ciyaareed adag, Leao iyo Diaz ayaa aad muhiim u ahaa. Waxa ay heleen 30 gool iyo caawin inta u dhaxaysa Serie A iyo Champions League.
Leao ayaa haatan ka xaajoonaya heshiis cusub, waxaana iska cad inuu jeclaan lahaa inuu sii joogo kooxda, kaliya wuxuu doonayaa inuu ku sii jiro shuruudaha saxda ah.
Xaalada Diaz ayaa aad u cakiran madama ay dhamaanayso amaahdii uu kaga yimid Real Madrid Milan ayaana u baahan doonta inay soo iibsato hadii uu sii joogo
Advertisement



