Washhington (dayniiile.com)-Ilhaan Cumar oo ah haweeney Soomali ah oo heysata dhalashada Mareykanka islamarkaana xubin ka ah Aqalka Congareska ayaaย sheegtay inay cabsi soo wajaday markii loo hanjabay.
Ilhaan Cumar waxay sheegtay in fariinย looga soo direy Gmail-keeda kaasoo loogu hanjabaayo in la dili doono madaama ay taageertay Yuhuuda markeedii ugu horeysay marka la eego qadiyada dagaalka bariga dhexe.
Ilhaan Cumar waxay siyasad ahaan mudo necbeyd dadka yuhuuda ah kuwaasoo laftigoodu colaad u muujin jireen xiligaasi walow hada ay badashay.
Ilhaan Cumar ma aysan sheegin cida fariintaan u soo dirtay,halka looga oo direy,iyo in laamaha amnigu talaabo qaadeen madaama Dowladu maamusho qalabka loo adeegsaday in loo hanjabo kaasoo ah fariin Gmial ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM