Iyadoo dagaal aad u xooggan uu wali ka dhex socdo Xamas iyo Yuhuuda ayaa waxaa si aan lagu baran uga hadashay Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed balse heysata dhalashada Dalka Mareykanka.
Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Congress-ka Mareykanka loogana bartay naceybka iyo mucaaradnimada Yuhuuda ayaa markaan cambaareysay weerarka Xamaas qaaday iyadoo taageere buuxda u muujisay Yuhuuda.
Ilhaan Cumar waxay ku eedeysay dagaalyahanada Muslimiinta ah ee Xamaas inay laayeen dad shacab ah islamarkaana afduuteen iyadoo iska indha tirtay duqeymaha arxan darada ah ee Yuhuuda ku leysay dad ku dhaw kun shacab falastiiniyiin ah oo guryahoodii ay ku dumiyeen diyaaradaha casriga ah ee Mareykanku siiyo Yuhuuda.
Dhanka kale si boor isku qarisa waxay warkeeda ugu dartay inay ku baaqeyso in miiska wadahadalka la isugu yimaado si heshiis xabad joojin loo gaaro.
Gabadhaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka ee Ilhaan Cumar waxaa hore loogu yaqaanay inay muujiso nacayb ay u qabto Yuhuuda balse markaan waxaa ka muuqata is badal.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM