HomeWarkiiIlhan Cumar oo ka jawaabtay gafkii Somalia uu u geystay Madaxweyne Trump 

Ilhan Cumar oo ka jawaabtay gafkii Somalia uu u geystay Madaxweyne Trump 

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Ilhan Cumar oo asalkeedu Soomaali yahay balse heysata dhalashada Dalka Mareykanka ayaa ka jawaabtay hadaladii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee uu ugu gafay Somalia iyo shaqsiyada Ilhan laftigeeda.

Ilhan Cmar waxay sheegtay inay ku faaneyso Muslinimada,Somalinimada iyo waliba Mareykan-nimada intaba,waxay gaf weyn ku tilmaamtay sida uu Soomaalida u caayay iyo waliba shaqsiyadeeda intaba.

“Waan ku faanayaa Soomaalinimada, waan ku faanayaa Muslim inaan ahay, iyo inaan ahay Maraykan, hal arin Trump waa inuu fahmaa, ma cayrin kartid xubin Congress- ah” ayay tiri Ilhan Cumar

Sidoo kale Ilhan oo hadalo adag ugu jawaabeysay Trump ayaa si cad ugu hawada ugu marisay inaaney jirin cid wax ka badali karta,waxay xustay inaan marna la aqbali karin hadalada gafka ah ee afka Trump ka soo baxaya,sidoo kale waxay ku eedeysay Trump inuu u afay dastuurka dalka Mareykanka.

“waxba igama badeli kartaan si kasta oo aad u hanaaqdaan ee biyaha iyo cowska isku cuna”ayay tiri Sanatar Ilhan Cumar

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -