HomeWarkiiIlhan Omar oo eedeyn ba'an u jeedisay Trump iyo Mareykanka

Ilhan Omar oo eedeyn ba’an u jeedisay Trump iyo Mareykanka

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Ilhan Omar oo kamid ah Congress-ka Mareykanka ayaa eedeyn ba’an u jeedisay Madaxweyne Donald Trump iyo Dowlada uu hogaamiyo ee Mareykanka.

Ilhaan waxay sheegtay in hab dhaqanka Trump iyo hogaan xumadiisa ay dalkii weynee Mareykanka ka dhigtay dalka ugu xun dunidan xiligaan sida ay warka u dhigtay.

“Maraykanka wuxuu xiligaan ka mid noqday dalalka ugu xun adduunka marka la eego amarada qaldan ee Madaxweyne Trump bixinaayo gaar ahaan howlgalada ka dhan ah dadka sharci darada ku jooga Mareykanka ee ciidamadu qab qabanayaan”ayay tiri Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah balse heysata dhalashada Dalka Mareykanka.

Mar ay si gaar ah u weerar afka ah ugu qaaday Trump ayay sheegtay inuu malaayiin doolar ku bixinayo sidii uu u noqon lahaa kaligii taliye.

“Dalkii lagu tilmaami jiray iftiinka dimuqraadiyadda ee caalamka hada wuxuuba u ekaaday mid ka mid ah dalalka ugu xun”ayay tiri ilhaan Cumar oo tusaale u soo qaadatay sida xiligaani Mareykanku tixgelin u siineyn xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka.

Xildhibaanad Ilhaan waxay shacabka Mareykanka usoo jeedisay inay ka digtoonaadaan wadada uu Trump dalka ku hogaaminayo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMIlhaan Cumar: maxay ka tiri ibtilada ka oogan Minneapolis? - BBC News Somali
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -