Advertisement
Kooxo hubeysan oo la sheegay inay burcad ahaayeen ayaa degmada Kaaraan ku dishay Cabdi Cubeyd oo ahaa mu’adin iyo Imaam Masaajid.
Advertisement
Kooxaha hubeysnaa ayaa ka dhacay taleefoon uu watay, waxaana Cabdi Cubeyd uu mu’adin iyo Imaam ka ahaa Masjid uu waqfay Aabihiis Cubeyd.
Ciidamo katirsan Booliska degmada Kaaraan ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku aadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka, balse aysan ku guuleysan inay soo qabtaan.
Degmada Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ugu amniga xun Gobolkab Banaadir, waxaana inta badan dadka kudila Ciyaal weero iyo kooxo burcad ah oo dhac geysanaya
Advertisement



