Waxaa aad loo hadal hayaa in Berio uu ku soo wajahan yahay Magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo oo doonaya inuu u diyaar garoobo kaanbeynka uu u galayo xilka ugu sareeya Dalka ee Madaxweynaha Somalia xili lagu wado in dalku doorasho aado sanadka 2026-ka bartamihiisa.
Taageeayaasha Xildhibaan Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay ku mashquulsanaayeen sidii ay soo dhaweyn weyn ugu sameyn lahaayeen masuulkaasi oo xamar ku leh taageerayaal badan madaama hore laba jeer xilal sar sare dalka uga soo qabtay sida Madaxweyne iyo Ra’iisulwasaare.
Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in qaban qaabadii lagu doonayay in taageerayaal badan lagu diyaariyo nawaaxiga garoonka diyaaradaha uu fashilmay taasoo loo aaneynayo xaga qaban qaabada , laba jeer oo hore sidaan oo kale isagoo xil soo raadshay Xildhibaan Maxamed C/laahi Farmaajo 2012-kii iyo 2016-kii waxaa la xasuustaa in Muqdisho nuuxsatay oo boqolaal kun dad ah ay isku soo baxeen balse berito waxaa hadal heyntu u badatay inaaney wax saameyn ah yeelan doonin.
Soo dhaweynta Xildhibaan Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa lagu wado dhanka masuuliyiinta inay qeyb ka noqdaan xubno xilal ka haya Dowlada Somalia sida wasiiro iyo Xildhibaano.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
