HomeWarkiiImaaraadka Carabta oo si hoose u wada ol-ole uu ku xoojinaayo aqoonsiga...

Imaaraadka Carabta oo si hoose u wada ol-ole uu ku xoojinaayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Wargeyska Hindiya ka soo baxa ee The Times of India, ayaa ku warramay in isbeddel juqraafi-siyaasadeed oo deg deg leh inuu si aamusan oo miisaan culus leh uga soo ifbaxayo Geeska Afrika, kaddib go’aankii Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, xogaha soo baxaya waxay muujinayaan in Imaaraadka Carabta uu isna si aamusnaan ah u qaaday tallaabo aqoonsi ah oo lagu taageerrayo Israa’iil.
Wargeyska oo ah midka saddexaad oo loogu akhris badan yahay gudaha Hindiya , ayaa warbixintiisa ku daahqaaday in baasaboorka Somaliland hadda laga aqbalay bogga rasmiga ah ee fiisaha Imaaraadka, halka dadka sita baasaboorka Soomaaliya aysan awood u lahayn inay hab online ah ku dalbadaan fiisaha Imaaraadka Carabta. Wargeyska oo tixraacaya tallaabooyinka Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegay inay Abu Dhabi diidday ku biirista go’aan ay Carabta ku cambaareeyeen aqoonsiga Somaliland.
WAXAA QOREY: IMAM JAMAMay be an image of one or more people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -