Imaaraadka iyo Israel oo ka wada hadlaya sidii loo dhisi lahaa dhuun shidaal oo mareysa Sacuudiga.

0

Dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamulka Israel ayaa diyaarinaya wado ay maraan maraakiibta oo gacan ka geysan doonta sidii loo badbaadin lahaa kharashka shidaalka ceyriin ee booyada lagu sii mariyo kanaalka Marinka Suweys ee Masar, iyadoo lacag loo keenayo Israel.

Saxaafadda Carabta ayaa 20-kii Sebtember werisay in saraakiisha Israa’iil ay wadahadallo la yeesheen Imaaraadka Carabta (UAE) si loo sameeyo dhuun shidaal oo ka ka baxda Imaaraadka Carabta illaa dekedda Israel iyada oo loo sii marayo Sacuudi Carabiya.

Sida ay sheegeen aqoonyahanada dhaqaalaha, mashruucan wuxuu ka qaadi doonaa Bariga Dhexe saliida ceyriin iyadoo la geyn doono suuqyada Yurub wuxuuna meesha ka saari doonaa jidadka marinka Hormuz, ee loo sii mari jiray xeebta Soomaaliya.

Adeeggan maraakiibtu wuxuu gacan ka geysanayaa sidii loo badbaadin lahaa kharashka ku baxa daabulidda saliidda cayriin ee booyadaha ay mariyaan kanaalka Suweys ee Masar Khubarada ayaa rumeysan in Israa’iil ay u badbaadi doonto lacag aad u tiro badan sanad walba mashruucan.

Wadashaqeyntan waxaa la sameeyay ka dib markii Israel iyo Imaaraadka ay heshiis nabadeed ku saxiixeen Sebtember 15 Mareykanka.

Intaas ka hor, labada dhinac waxay sidoo kale iska kaashadeen duulimaadyada iyo diyaaradaha ganacsiga ee loo ogol yahay in ay dul marto Saudi Arabia. Shirkad maraakiib ah oo laga leeyahay Israel ayaa damacsan in ay ka shaqeyso marin dalxiis oo u dhexeeya Dubai iyo Israel.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here