HomeWarkiiImaaraadka oo la sheegay inay Bilyanaad Doolar ku qarash gareysay mashaariic...

Imaaraadka oo la sheegay inay Bilyanaad Doolar ku qarash gareysay mashaariic laga fulinayo Puntland

Wariye ka tirsan warbaahinta Maamulka Puntland ayaa qoraal dheer uu soo diyaarshay wuxuu ku sharaxay  mashaariic bilayanaad ah oo Dowlada Imaaraadku ku qarash gareysay mashaariic waa weyn oo laga fulinayo deegaanada Puntland.

Wariyaha oo lagu magacaano C/casiis Geelle ayaa qoraalkiisu sidan u dhignaa:-
𝑷𝑼𝑵𝑻𝑳𝑨𝑵𝑫: 𝑴𝑨𝑺𝑯𝑨𝑨𝑹𝑰𝑰𝑪𝑫𝑨 𝑩𝑰𝑳𝒀𝑨𝑵𝑨𝑨𝑫 𝑲𝑨 𝑨𝑯 𝑬𝑬 𝑰𝑴𝑨𝑨𝑹𝑨𝑨𝑫𝑲𝑼 𝑲𝑼 𝑴𝑨𝑨𝑳𝑮𝑬𝑳𝑰𝒀𝑶.
Ma og tahay in mashaariic ay ku baxayso bilyanaad dollar ay dowladda Imaaraadku ku maalgeliso Puntland, taasi oo ku baxda Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Gargaarka iyo Amniga, Puntland bedelkeeda wax u dhigma kama hesho DFS oo ay xubin muhiim ah ka tahay.
HORUMARINTA GAROONKA DIYAARADAHA BOOSAASO IYO DOORKA IMAARAADKA 🇦🇪 (Q.1-aad).
Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxa uu ka mid yahay xarumaha muhiim ka ah ee uu horumarintiisa maalgeliyey Dowladda Imaaraadku UAE 🇦🇪, marxaladdo kala dambeeyey ayuu soo maray garoonku intii ay gacanta ku hayeen, iyagoo ka qabtay shaqo baaxad leh sida;
1. Balaarinta Dhabada Diyaaradaha (Runway Extension) 800M,
2. Dhismaha Baarkinka Diyaaradaha (Airplane Hanger),
3. Waddo Laami ah oo 2-haad ah 1.7KM2 (Road construction),
4. Dhismaha qaybta Xamuulka (Cargo Terminal),
5. Baarkinka Gawaarida (Car Parking) 300X250M2,
6. Dayactirka Terminaalka (Terminal renovation),
7. Dhismaha Dayrka (Fencing Airport ) 9×4KM,
8. Nalaynta Garoonka (Airports lighting),
9. Dhismaha xarunta Dab-damiska,(Fire House Building),
10. Dhiraynta iyo qurxinta Garoonka, (Planting and organizing),
11. Dhismaha Custom-ka
12. Iyo Hirgelinta Hotel caalami ah oo ku dhexyaalla Airport ka.
Horumarinta Dhismaha Garoonku waxa uu ka koobnaa wejiyo kala horeeyey oo uu ugu dambeeyey kan ay innaga taageertay Dowladda UAE 🇦🇪, iyaddoo horumarintiisa, dayactirkiisa iyo casriyeytiisaba ay muddo sii hayndoonaan. Waxtarka maalgelineed ee Garoonku intaas kuma koobna, waxaa shaqo abuur ka helay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka faa’idaya khibrad iyo aqoon, ganacsatada dalka oo dhismaha qayb ka qaata (subcontract), intii ay gacanta ku hayeen waxaa kusoo biiray Garoonka diyaarado caalamiya oo u kala goosha aduunka oo dhan iyo horumarro kale.
Adiga, maxay kula tahay oo lagu soo kordhinkaraa Garoonka, si loogu sii dhowaado helitaankeenna Garoon caalami ah oo muhiim u ah duulimaadyada aduunka, Africa, Geeska, koboceenna dhaqaale, ganacsigeenna iyo isusocodka dadkeenna?.
Waxtar mise lugooyo bixitaanka Imaaraadkaee Soomaaliya
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -